Dhageyso: Cali Maxamed Geedi oo mar kale dowlada ku eedeeyey inay ka dambayso dagaalada ka dhacaayo Gobollada Dalka

0
223

Raysal wasaarihii hore ee dawladii ku meel gaarka ahayd Cali Maxamed Geedi ayaa waraysii uu siiyay idaacada BBCda laanteeda Afka Soomaaliga ah wuxuu ku eedeeeyey dowlada uu Madaxweynaha ka yahay mudane Xasan Shiikh Maxamuud in ay masuul ka tahay dagaalda ka dhacaya Gobolada dalka.

Dhagesyo Wareysiga Cali Max’ed Geedi ee BBC la yeelatey [audio:http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2013/08/Geedi2.mp3]

Cali Maxamed Geedi ayaa dowladda ku eedeeyey  in ay masuul katahay dagaal beeleedyada ka kasoo cusboonaaday qaar kamid ah gobolada dalka sida Gobolada Jubooyinka,Shabeelooyinka,Galgaduud iyo deegaanada maamulka Khaatumo wuxuuna yiri ” waxay ka abuurtay dagaal meeshii laga rabay iney dib u heshiisiin ka bilowdo”

Geedi  ayaa sheegay in ay muddo badan  Soomaalidu kala maqneed, xiligane loo baahnaa in la isku keeno balse ay dowladu sii kala fogeynayso sida uu yiri.

geedi

“waxaa lagu waday in dastuurka lagu wada heshiiyay uu umadda Soomaaliyeed isu keeno, meel wanaagsan ayaan gaarsiinay  dowladnimad xiligii  aan R/wasaaraha ka ahaa dalka”sidaas waxaa yiri Cali Maxamed Geedi.

Cali Geedi ayaa tibaaxay in loo baahnaa cid walba oo isaga ka danbaysay iney halkaa  ka sii amba qaado isku raadinta shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ammaanay dowladii madaxweyne  Shariif SH Axmed  oo uu sheegay iney meel wanaagsan  ay gaarsiisay Soomaliya,ayna ku guulaysatay in doorashada madaxtinimo ee dalka lagu qabto caasimadda Muqdisho 22 sano kadib.

Wuxuuna wax aan loo dulqaadan karin ku tilmaamay in dowladdu ay kala geyso bulshada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay Prof. Cali Maxamed Geedi.

Ray’sal wasaarihii hore ayaa si toos ah u eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna sheegay in uu ka danbeeyo dagaaladii Kismaayo ka dhacay,wuxuuna carrabka ku dhuftay in dowladu ay dirtay dad Siyaasiyiin ah oo aan ka soo jeedin deegaankaas kuwaas oo sida uu sheegay colaadda halkaa ka huriyey.

Cali Maxamed Geedi ayaa ku dhaliilay dowladda go’aankii ay ka qaadatay shirkii lagu dhisay maamulka Jubaland”dowladda shirkaas waa lagu casuumay waana lagu sharfay ka qaybgalkiisa,balse waxa ay ka badin waayeen raali kama nihin,markii ay shacabka Jubaland ku guuleysteen doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisane dowladdu dagaal ayey abaabushay”ayuu yiri Maxamed Cali Geedi.

Halkaan ka daawo Cali Maxamed Geedi oo Nairobi uga qeybgalay shir lagu taageeraayo Madaxda Jubaland iyo khudbadii isaga iyo dadkii kale ay halkaas ka jeediyeen

Idale News Online