Dhageyso: Beesha Garre Oo Si Adag U Weerartey Siyaasadda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
561

Afgooye(INO)- Kulankan ay maanta isugu yimaadeen  qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka beesha Gare ayaa waxa ay kaga candacoonayeen maamul la’aan ka jirta gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaana ay dhaleeceen u soo jeediyeen Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in ay ka waayeen miisaaniyadii ay ku lahaayeen degmada Afgooye.

Waxaana Odayaasha ay sheegeen hadii ay arintan ay sii socoto in ay talaabo qaadi doonaan beesha Gare, ayna ka soo horjeestaan wax walba oo ay wado Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Nabadoonadan maanta shirka ku yeeshay degmada Afgooye ayaa waxa ay gaarayaan ilaa iyo 19 nabadoon, iyagoo ka hadlay arimo ay kaga tabanayaan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here