Buurhakaba(INO)- Banaanbaxaan maanta ka dhacay degmada Buur hakaba ee gobolka Bay ayaa ujeedkiisu ahaa mid looga soo horjeedo Maamul Cusub oo Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadabn uu u magacabay degmada Buurhakaba.
Boqolaal Ruux oo ka kala yimid Xaafadaha kala duwan ee degmada Buur hakaba ayaa iskugu soo baxay Magaalada,kuwaas oo dalbanaya in Maamulka lagu dul magacaabay laga Celiyo oo Maamul Dadka deegaanka ay raali ka yihiin loo sameeyo.
Qaar ka mid ah dadka Dibadbaxa dhigayay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in Maamul laga keenay meelo kale oo Dadka deegaanka aan ka dhex imaan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Buurhakaba