Muqdisho(INO)-Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Caqabadaha Xawaaladaha Soomaaliyeed ka haystay la shaqeynta Bangiyada Dalka Mareykanka oo iyagu dhawr mar joojiyay Wada shaqeynta ay la leeyihiin Xawilaadaha Soomaalida.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay warqad qoral ah oo ay ugu codsanayaan Dowlada Mareykanka in ay arrintaasi wax ka qabtaan, maadama ay saameynta balaaran ku yeelaneyso Shacabka Soomaaliyeed eek u sugan Dalka Mareykanka.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Qaranka loogu baahan yahay in Dowladda Mareykanka kala hadlaan in arintaas laga hortago Maadaama ay tahay arin Saameyn weyn ku yeelan karta Bulshada Soomaaliyeed in badan oo ka mid ah Go.aanka uu gaaray Bangigii la shaqeynayay Xawilaadaha Soomaaliyeed uu Gaaray.
Dhanka kale Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxaa uu ka sheegay Baarlamaanka Hortiisa in Arintaani ay tahay mid qalbiga iyo Dareenka Baarlamaanka Taabaneysa isla markaas waxaa uu ka Codsaday Gudoonka iyo Xildhibaan in Cod Aqlabiyad ah ay ku taageeraan Arintaas isla markaas si wada jir ah loogu kaco sidii looga hortagi lahaa.
Idale News Online, Muqdisho.