Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaasheegay in Maleeshiyaadka la wareegay Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay yihiin Ciidamada Maamulka Shabelle State. Axmed Diiriye ayaa hadalkiisa ku daray in gobolka Shabeelaha Hoose 80% ayey yihiin dad ka soo jeeda Beelaha Hawiye sidaas darteedna ay tahay in iyaga looga dambeeyo gobolka Shabeelaha Hoose taladiisa iyo dowlad goboleedkiisa
Halkan Ka Dhageyso.
[audio:http://hagenews.com/wp-content/uploads/2014/06/Xaad-gg.mp3|autostart=yes]Waxaa uu sheegay Afhayeenka in Ciidamadaasi ay yihiin kuwa Xaqiijinaya Amaanka Goobaha ay Qabsadeen sida uu sheegtay Axmed Diiriye.
Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Odayaasha Muqdisho ayaa sidoo kale Sheegay in uu u hadlayo Beesha Habar Gidir oo la sheego in Gobolka Shabellaha hoose ay ku soo Duushay islamarkaana aysan wax ka dagin,asgoona ugu Baaqay Beesha kale ee Biyomaal in ay ku soo Biiraan Maamulka Shabeelle State ama ay Raacaan Maamulka Koofur galbeed.
Idale News online, Muqdisho.