Muqdisho(INO)– Waxaa la soo gaba gabeeyay Arraaji qabashada Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka Sare.
Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa soo gaba gabeeyay diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka Sare, waxaana la diiwan geliyay 16 Musharax.
Gudoomiyaha Gudiga qaban-qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Maxamed Faarax Dhega-juun iyo Labadiisa ku xigeen ayaa shaaciyay in ay hayaan diiwaanka 16 Musharax.
2 ka mid ah waxa ay u taagan yihiin Guddoonka Aqalka Sare, 7 kalena Guddoomiye ku xigeenka 1-aad, halka 7 Kalena ay uu sharraxan yihiin Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad.
labada Musharax ee u taagan Guddoonka Aqalka Sare
- Cabdi Xaashi C/llaahi, ildhibaan hore
- Mustafe Maxamed Qodax, xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland
Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad
- Xasan Faarax Xujaale.
- Axmed Xaashi Maxamuud
- Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
- Abshir Maxamed Maxamuud.
- Cabdi Axmed Dhuxulow.
- Maxamuud Axmed Maxamuud.
- Cabdirisaaq Cusmaan Cali.
Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad
- Hodan Maxamuud Cusmaan.
- Osmaan Axmed Maxcow.
- Iftiin Xasan Baasto.
- Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
- Sacdiyo Xasan Cusmaan
- Mowliid Xuseen Guuleed
- Cabdikaafi Macalin Xasan.