Dhageyso: Aqoonyahan C/laahi Sheekhay ” Qofkii Shariif Xasan Madaxweyne Yiraahdo Waa Dambiile Qaran”

0
183

Muqdisho ( INO)Aqoonyahanada ka soo jeedo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu dhamaaday Waqtigiisa hoggaamineed islamarkaana la gaaray xilligii Isbedel uu ka dhici lahaa deegaanada  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cabdullaahi Sheekhey oo ka mid ah Aqoonyahanada ka soo jeeda Maamulka Koofur Galbeed ayaa hoosta ka xariiqay in Shariif Xasan si sharci darro ah uu ugu fadhiyo Kursiga Madaxweyne ee Maamulka  Koofur Galbeed sida uu hadalka u dhigay.

“ Sharciga Maamulka Koofur Galbeed waxa uu dhigayaa in Wasiirada Maamulkaasi ay noqdaan kuwa dhameystay heer Jaamacadeed balse kuwa uu soo Magacaabay Shariif Xasan waa kuwa da’yar iyo kuwa aan lahayn Aqoon Jaamacadeed” sidaas waxaa yiri Aqoonyahan Cabdullaahi Sheekheey.

Dhinaca kale Aqoonyahan Cabdullaahi Sheekh ayaa cod dheer ku sheegay in lacago laga qaaday Isbaarooyin yaalla deegaanno Maamulka Koofur Galbeed ka tirsan lagu shubay Akoonka gaarka ah ee Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Si kastaba Siyaasiyiin , Aqoonyahanno iyo qeybaha Bulshada Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa wada dadaallo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho