Garowe(INO)- Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland waxaa lagu wadaa in ay ka bilaabato doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.
Shalay Magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay tababar ku saabsan sida ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada Aqalka Hoose ee deegaanada maamulka Puntland u matalaya dowladda Soomaaliya ay wax u dooran la haayeen sidoo kale shuruudaha laga rabo in ay ilaaliyaan ergooyinka wax dooranaya.
Madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland halkaasi oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay si weyn u adkeeyeen ammaanka goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka iyo sidoo kale guud ahaanba ammaanka Magaalada Garoowe.