Dhageyso: Al shabaab Oo Korshisey Go’adoominta Waajid iyo Xaalada Oo Adkaatey

0
188

Waajid(INO)- Xaalad nolol xumo ah ayaa ka taagan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, oo in mudo ah ay go’doomiyeen ururka Shabaab.

Dadka ku nool Degmadaasi iyo Deegaanada hoostaga ayaa waxaa ku adkaatay sidii ay ku heli lahaayeen waxyaabaha la xiriira nolol maalmeedkooda.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool Cadow C/raxmaan ayaa waxa uu ka hadlay xaalada adag ee ka taagan Degmada Waajid iyo sidoo kale go’doonka saaran Degmada.

Cadow C/raxmaan Gudoomiye ku xigeenka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sidoo kale sheegay Ciidanka Koonfur Galbeed in dhowaan ay bilaabi doonaan Howlgal lagu furayo wadooyinka soo gala Degmada Waajid.

Halkan Ka Dhageyso