Dhageyso: Afhayeenka KGS Oo Aynu Ka Wareysaney Maamul Cusub Oo Loo Sameeynaayo Afgooye

0
243

Afgooye(INO)-Dowladda Koofur galbeed ayaa qorsheynaya in uu isbadalo ku sameeyo Maamulada Degmooyinka oo ay ka mid tahay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, halkaasi oo ay ka socdaan kulamo wadatashi ah.

nadaara

Afhayeenka Maamulkaasi C/qaadir Cashara Nadaara ayaa sheegay  in Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh uu kulamo La qaatay Dadka reer Afgooye, si Maamul loogu sameeyo degmada, isaga oo xusay in dhawaan lagu dhawaaqayo Maamulka.

Dhinaca kale waxaa Magaalada Baydhabo ka socda qabanqaabo Shirka lagu soo xulayo Xildhibaanada Barlamanka   Koofur galbeed, Shirkaasi oo la filayo in uu furo Shariif Xassan Sheekh Aadan, sida uu sheegay Afhayeenka.

Dowladda Koofur galbeed Shariif Xassan Sheekh aadan oo dhawaan booqasho ku tagay Magaalada Baraawe, ayaa halkaasi u magacaabay Gudoomiye cusub, isaga oo sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahida Dadka isbadalo lagu sameynayo Maamulada.

Halkan Ka Dhageyso

Wariye Maxamed Aadan Maxamed, Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here