Dhageyso: Afhayeenka Booliska Oo shir Jaraa’id Kaga Hadlay Qaraxa Lagu Weeraray Maqaaxida Banooda

0
209

Muqdisho(INO)Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya, ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii qaraxa gaariga loo adeegsaday, ee duhurnimadii maanta lagu qaaday maqaaxida Banooda, oo ku taala ka soo horjeedka Central Hotel ee Magaalada Muqdisho.

Qaasim-Axmed-RoobleQaasim Axmed Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay halkii uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qaabka uu qaraxu u dhacay, wuxuuna shaki geliyay in qaraxaasi uu fuliyay nin naftii hurre ahaa.

Halkan Ka Dhageyso.

“Gaariga saacadihii dambe ayaa lagu arkay meesha mar mashquul uu ka jiray, ee lamaba ogolo in gaadiidka la soo dhigto hareeraha wadooyinka.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya.

Afhayeenka, ayaa yiri “Waxa meesha ku dhimatay waa haween masaakiin ah, haween kale oo shidaal meesha ku iibinaayay iyo dad maqaaxida ka cunteynaayay xilligii uu qaraxu ka dhacaayay.”

Waxa kaloo uu yiri “Baaritaano ayaan wadnaa oo aan ku xaqiijineyno tirada guud ee qaraxa ku dhimatay, waayo dadka waxaa qaaday gaadiidka gurmadka degdegga, goobo kala duwan ayayna u qaadeen.”

Qaasim Axmed Rooble, ayaa Ururka Gumaadka Ummada Somaliyeed (UGUS) ku eedeeyay weerarka lagu qaaday maqaaxida Banooda, oo ku taala Degmada Xamar Weyne.

“Waad aragtaan sida kooxda UGUS ay u caadeysteen inay daadiyan dhiigga shacabka Somaliyeed. Waa niman arxanlaawe-yaal ah, oo cid ay dhaafayan aysan jirin.” Ayuu yiri Qaasim Axmed Rooble.

Ururka Al Shabaab, ayaan weli sheegan masuuliyadda weerarkasi. Wuxuuna weerarku noqonayaa mid horey Ururka Al Shabaab looga bartay weerarada ceynkani oo kala ah.

Idale News Onlin, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here