Baydhabo(INO)- Afhayeenka Cusub Ee Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye oo Dhawaan lagu doortey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa sheegey in Baarlamanka uu Bilaabayo Dardar galinta Hawlaha Shaqadda Horyaalaan.
Gudoomiyaha ayaa sheegey in ay dhisayaan Xeer hoosaadyo iyo Gudiyada Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya Ee uu ku shaqeyn doono ka dibna ay ku dadaali doonaan Dajinta Shuruucda iyo Hindiso Sharciyoodyo lagu Hago Dowlada.
“ Hadda waxaan ku jirna Billow, waxyaabaha ugu horeeyo Ee aan ku mashquuli doono ayaa ah abaabul Kulumo, waxaan sameyn doona Xeer Hoosyaadyada Baarlamanka uu Ku Shaqeyn doono iyo Gudiyo, ka dibna Sharci dajinta iyo La Xisaabtanka Xukuumada ayaa inooga xigi doonto” ayuu yiri C/ qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Afhayeenka Baarlamanka Dowlada KGS.
Ugu dambeyntii, Afhayeenka Baarlamanka KG Soomaaliya ayaa Carabka ku dhuftey in Baarlamanka uu la xisaabtami Doono Gollaha Wasiirada iyo Guud ahaan Hay’adaha kala Gedisan Ee Dowlada Koonnfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo