Afhayeenka golaha dhaqanka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ka hadlay arimo badan oo ay k amid tahay eedeyn uu u jeedinaayo Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya prof Maxamed sheekh Cusmaan Jawaari.
Axmed Diiriye ayaa yiri “Waligeey waxaan maqli jirney Bay iyo Bakool, xuduuda beelahaasna waxay ku eg tahay Buur Hakaba, odayaasha Mirifle ee lixda gobol sheeganaaya waxaan leeyahay riyo ayaad ku jirtaan dadkii Shabeelaha Hoose, Jubooyinka iyo Gedo waa idinla yaaban yihiin”
Dhageyso Axmed Diiriye oo handadaaya Beelaha Digil & Mirifle: [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/10/axmedDiiriye.mp3]
Waxa uu sheegay Axmed Diiriye kuna eedeeyey gudoomiyaha Baaralamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari mid iska hor keenaya dadka Beelaha Hawiye kasoo jeeda.
Diiriye waxa uu sheegay in lixda gobol ee loo dhisayo K/Galbeed Somaliya mid aan loo dhameyn islamarkaana hadii aan laga gaarin sida wax loo wado ay sababi karto iska horkeenida dadka Somaliyeed oo qabaa’ilo kala duwan iskugu jira.
“Ninkaan la yiraahdo gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari waxa uu wadaa kala qeybinta Beelaha Hawiye,waxa uu shir uga furay muqdisho dad uu leeyahay hawiye ayey matalayaan kuna baaqayaan in la joojiyo arintaasi ayuu yiri axmed diiriye”.
Idale News Online