Baydhabo(INO)- Gudiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadley habsami u socodka iyo dardar galinta Hawlaha Doorashada Aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo.
Aaden C/naasir Macalin oo ah Xubin Ka mid ah Gudigaas ayaa sheegey in ay marayaan Marxaladii ugu dambeysey ee Gebo gebada Doorashada isagoona Xusey in 69-kii Mudane Ee lagu soo dooranayay Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya dhameystirkoodu ay ka harsan yihiin 9 Xubnood, kuwaasoo uu sheegey in la soo gebo gebeeyn doono labada maalmood ee Soo socoda.
“ Waxaan mareynaa Gebo gebada Doorashada Aqalka Hoose, waxaa inoo hartey 69-kii yaalley Koonfur Galbeed Soomaaliya 9 Ka mid ah, waxaan rajeyneyna in labada Maalmood ee Soo socoda in aan ku gebo gebeeyno, Waxan u mahadcelinaya Maamulada Dhameeyey Doorashada iyo Gudiyada Heer Gobol iyo Heer Federalka Ee Ku Sugan Jubbaland” ayaa yiri Aaden.
Sido kale Aaden C/naasir ayaa Hoosta Xariiqey in ay jiraan Cabashooyin ay qabaan Beelaha qaar taasoo uu sheegey inay u dhexeysao Beelaha isla markaana waxa uu Meesha Ka saarey in cabashooyinkaas aysan khuseyn Gudigayada Doorashooyinka.
“ Dalka Soomaaliya 48 sano ka dib waxa uu galaya Doorashooyin 51 qof ay soo dooranayaan Xubno u matala BFS , Way dhici kareysa in meelaha qaar inay dadku ay cawdeen, laakiin Cabashadaasi ma ah Cabasho khuseysa Gudiyada Doorashooyinka, waa Cabasho beelaha Dhexdhooda ka imaaneyso waaye” ayaa yiri Aaden C/naasir Macalin.
Si kastaba ha ahaatee, waxa lagu waa in 30-ka bishan Novembe bixintaan Shahaadooyinka Aqoonsiga xildhibaanimo, markaas kaddibna ay kulammada baarlamaanku Federaalka ee cusubi billaaban doonaan.
Ugu dambeyntii, Waxa la filaya iyadoona waqtigu sii dhamaanayo in dhawaan la soo gebo gebeeyo Doorashada Aqalka Hoose ee Ka Socota Baydhabo Taasi oo barbar Socoto Cabashooyin badan.