Baydhaba (INO)-Aadan Maxamuud Nuur (Aadan Saransoor) oo ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed isla markaana ah mudane baarlamaanka wakhtigiisa dhammaaday ayaa sheegay in loo diiday in uu ka qeybgalo doorashada aqalka hoose ee ka socota weli magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Doorashooyinka ka socda Koonfur galbeed in aysan xalaal ahayn waxaan ku cadeenayaa in ergooyinkii uu soo xulay oday dhaqameedkeyga ma ahan kuwii i matalatayey waana kuwa meelo kale laga keenay” ayuu yiri Aadan Saransoor.
“Waxay ahayd in la ii sheego oo la iyiraahdo waqti hebel saacad hebel ayay doorashadu dhacaysaa. Wax laii sheegay maleh. Hade doorasho uma arkin; waa arin la yaab leh’. Sidaa ayuu yiri mudane Aadan Saransoor.
Wuxuu Aadan Saransoor sheegay in un magaalada laga maqlayay in doorasho socoto ee aan asaga kasoo qeyb gal cidna oran walow uu yahay murashax waliba xildhibaan ka ah baarlamaanka haatan waqtigiisa uu dhammaaday ee sugaya inuu u banneeyo meesha baarlamaanka cusub.
Wuxuu intaa ku daray Aadan Saransoor in guddiga xallinta khilaafaatka uu qoraal cabasho ah u gudbiyo uu go’aansaday.
Si kastaba, waxaa soo baxaya warar sheegaya in hannaanka doorashadda uu ka hareereesan yihiin musuq-maasuqa badan gaar ahaan soo xulista ergooyinka maamullada dalka ka jira gaar ahaan deegannada ay ka dhaceyso doorashadda.
Ugu dambeyntii Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la tuhunsan yahay in ay si weyn gacmaha ugula jirto hannaanka wax loo dooranayo, dolwadda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka mid tahay unugyada musuqmaasuqa ugu badan ka dhex wada hannaanka doorashadda.