Muqdisho(INO)– Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ku guuldareystay hoggaanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xilligaan ku dhawaad 100 mudane ay u diyaar garoobeen in isbadel uu ku yimaado hoggaanka Sare ee dalka Xilliga doorashada.
Xildhibaan Xidig ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada Midoobay ay doonayaan in ay doortaan hoggaan cusub marka la gaaro xilliga doorashada.
Xildhibaan Xidig ayaa sidoo kale xusay in Isbadel ku yimaada Madaxda Qaranka uu yahay mid waxtar uleh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.