Dhageyso: 4 Ruux Oo Gaajo iyo Haraad Ugu Dhintey Degaanka Aato Ee Gobolka Bakool

0
195

Aato(INO)- Gobolka Bakool gaar ahaan Degaanada hoostaga oo uu ka mid yahay Degaanka Aato waxaa ka jira Abaaro aad u daran, kuwaas oo saameyay dadka iyo duunyada.

Abaarta oo ah mid xoogan ayaa waxa ay sababtay Todobaadkan gudhiisa in halkaasi 4 Qof ay ugu geeryoodeen, maadaama Abaarta ay tahay mid xoogan.

Maxamed Xuseen Dhaqane oo ka mid ah waxgaradka Gobolkaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay muhiim in ay tahay dadka ay Abaarta saameysay in gar gaar lala soo gaaro.

Waxa uu sheegay Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed in ay ogyihiin Abaarta, balse aanay dooneyn in ay wax ka qabtaan, maadaama marba marka ka dambeysa ay Abaarta sii xoogeysaneyso.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Dhaqane ayaa sheegay ilaa iyo hada in aysan jirin gar gaar bani’aadannimo oo la gaarsiiyay halkaasi, taasina aysan aheyn mid lagu sii noolaan karo.

Abaaraha ka jira Gobolada Dalka ayaa waxa ay yihiin kuwo sii xoogeysanaya, loona baahan yahay in wax laga qabto, inkastoo hada Dalka uu ku jiro xilli Doorasho lacagaha ugu badana la geliyay Doorashooyinka.