Dhageyos: Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Leysaan Oo Diidey Malaaqa Cusub + Khilaaf Ba’an Oo Soo Kala Dhexgaley Beeshaas

0
1153

Baydhabo(INO)- Shir  Maanta ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Malaaqyada Beesha leysaan ayaa ka dhacey magaalada Baydhabo ee  xarunta Gobolka Bay.

Shirkaas waxa si adag looga soo horjeedey Malaaqa Cusub ee Shaley lagu Caleemo Saarey Magaalada Baydhabo, iyagoona xusey in Beeshan ay leedahay Hogaan rasmi ah isla markaana aysan dooneynin in la galiyo Khilaaf cusub iyo Muran.

Sidoo kale Dadka isugu yimaadeen Shirkaas waxay eeedayeen Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, iyagoona sheegey in Caleemo saarka lagu sooo abaabuley madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxayna digiin adag u direen dadka ka shaqeynaya in colaad sookeeye ay ka dhex dilaacdo beesha leysaan.

Halkan Ka Daawo Sawiradda

Halkan Ka Daawo Video

Xigasho: Horn Cable TV

Idale News Online, Baydhabo