Muqdisho(INO)-Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa si habsami leh uga soconaya shirka dib u heshiisiinta beelaha wada dega gobolka Galgaduud,waxaana muuqa guul la taaban karo oo shirkaasi laga gaaray maalmaha uu socdo.
Shirka oo ah mid lagu heshiisiinayo beelaha wada dega gobolkaasi oo mudo ku kala irdheysnaa afkaaro kala duwan ayaa hada la doonayaa in lagu mideeyo.
Nabadoon Ibraahim Cabdi Yuusuf oo ka mid ah waxgaradka ka qeyb galaya shirka ayaa u sheegay Warbaahinta Risaala in rajo wanaagsan ay ka muujinayaan waxyaabaha ka soo bixi kara shirka,isagoona tilmaamay in iminka la arkayo ifafaalo muujinaya hanaanka wanaagsan ee shirka u socdo.
Odayaasha shirka ka qeyb galaya ayaa inta uu socday shirka ku guuleystay inay heshiisiiyaan beela wada dagaalamay oo ku dhaqan gobolkaasi.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale New Online, Dhusamareeb.