Beesha Habargidir ayaa waxay si buuxdo ay ugu dhawaaqday dagaal ka dhan ah Beesha Biimaal, ee degta Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay xiisad ka soo dhex cusboonaatay muddooyinkaan dambe.
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/Imaamka-Habargidir.mp3]Billihii la soo dhaafay ayaa waxaa si weyn u soo kordheysay xiisada cakiran ee u dhaxeyso Beelaha Habargidir iyo Biimaal, waxaana xiisadoodaan laga dareemaayay qeybo kamid ah Deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose.
Imaamka Beesha Habargidir Imaam C/Laahi Khaliif, oo Warbaahinta Magaalada Muqdisho la hadlay, ayaa wuxuu si buuxdo uu ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Beesha Biimaal, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Imaamka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Beesha Biimaal, ay kordhisay daan-daansigeeda ka dhanka ah buu yiri Beesha Habargidir, isagoo intaasi ku daray inay marar badan ka xishoodeen, balse wuxuu sheegay inay taasi garan weyday.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay kaga ashtakoodeen Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaamiyo, laakiin wuxuu sheegay inay Dowladdu waxba ka qaban weysay.
Beesha Habargidir ayaa wuxuu sheegay inay ku qasbanaatay inay iska qabato, oo ay la dagaalanto Beesha Biimaal, wuxuuna ku goodiyay inay la galayaan dagaalo toos ah.
C/Laahi Khaliif Imaamka Beesha Habargidir, ayaa wuxuu Dowladda iyo Beesha Biimaal uu u sheegay, inay masuuliyadeedu qaadi doonaan, wixii natiijo ah oo ka dhasha dagaalada uu iclaamiyay inay ku qaadayaan.
Idale News Online, Mogadishu