Siyaasiga Caanka ah Salaad Cali Jeele ayaa ka hadlay golaha cusub ee Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya kuwaasoo uu dhowaan soo dhisay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.
Waraysi gaar ah oo uu siiyay K24 Salaad Cali Jelee ayuu uga hadlay golaha cusub ee Wasiirada isagoo sheegay Wasiirada inay yihiin kuwa ka tiro badan golihii xukuumadii hore ee Shirdoon wuxuuna ku micneeyay arintaasi in beelaha Soomaaliyeed la doonayay in la qanciyo.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay Iscasilaada Tarsan iyo Cabdi Kaafi Hilowle oo madax ka ah Maamulka dowladda Hoose ee Xamar.
Idale News Online, Mogadishu