Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha golaha Wakiilada Dowlada Koonfur galbeed soomaaliya C/qaadir Shariif Shiiqunaa Maye ayaa ka dhawaajiyay in shacabka Ku nool deegaanada ka arimiyo Dowlad KGS Xiligan ay u ooman yihiin sidii ay uheli la haayeen Nabad iyo kala dambeyn.
Isagoo hadalkiisa sii wata C/qaadir Shariif Shiiqunaa Maye ayaa waxa uu tilmaamay in Baarlamaanka Koonfur galbeed Uu diirada saari doono sidii ay xiriir wanaagsan ay ula sameyn la haayeen Baarlamaanada Kale ee hada dalka ka jira.
Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa horyaalo shaqooyin fara badan iyadoona ay xusid mudan taahy in Baarlamaanka Koonfur Galbeed uusan laheyn xarun uu ku shire basle rajadu ay tahay in yeeshaan waa sida uu maamulka Sheegay.
Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha
Idale News Online, Baydhabo