Awdheegle(INO)-Kooxda AlShabaab ayaa Degmada Awdhiigle ee gobolka Sh/Hoose ku toogtay labo wiil oo ay ku sheegeen iney dowlada Soomaaliya basaas iyo ciidamo u ahaayeen.
Hase ahaatee aabaha dhalay mid kamid ah raga la toogtay ayaa beeniyay in wiilkiisa uu askari ahaa ama uu ushaqeyn jiray ciidamada dowlada
Waxaa uu sheegay in AlShabaab ay wiilkiisa ka qabsadeen degmada Buurhakaba halkaas oo uu ka shaqeysanayay, kadibna ay 20 bari xabsiga ku hayeen.
Aabahan oo ay murugo ka muuqato codkiisa ayaa sheegay in markii hore ay AlShabaab sheegeen in ragaa ay tacsiir ku fulin doonaan hase ahaatee markii ay dadka soo xaadireen fagaaraha ay sheegeen in toogasho ay ku xakuman yihiin halkaasna lagu dilay.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Awdheegle