Dhaeyso: Xildhibaan Maxamed Cumar Balash Oo Faah Faahiyey Shirka Dib U Heshiisiinta Beelaha Gobolka Bakool

0
229

Xudur(INO)- Magaalada Xuddur Ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa lagu qabtey shir ay kasoo qeyb galeen dhamaan Bulshada rayidka iyo odiyaashii dib u heshiisiinta ujoogey iyo Hay,ada CRD iyo Gollaha Xildhibaanada iyo qaar katirsan Wasiiradda Dowaldda KGS.

bakool

Furitaankii shirka waxaa furey Gudoomiyaha Degmada Xuddur Mohamed Macalin Axmed oo soo dhoweeyey dhamaan kasoo qeyb galiyaasha isla markaana uu sheegey in magaaladan Xudur ay tahay magaalo Amaan ah, Xilibaanada Dowlada Soomaaliya Ee Ku Sugan Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool Ayaa Kulamo Degmadaasi kula Qaadanayan Maamulka Iyo Shacabka Degmada Xudur .

Waxaa kale oo amaan aan lasoo koobi Karin ujeediyey ciidamada Militeriga iyo Ururka Dhalanyarada ooo inta badan isu xilqaamey iney baaraan qofkii magaalada Soo galaayo iyo kii kabaxaayaba.

Waxaa kaloo sheegey iney ku faanayaan nabad geliyada ay dheliyeen Ururadan isu xilqaamey. Waxaa kale oo dad weynaha usheegey iney DFS iyo koonfur galbeedba ay ujoogaan ka maamul ahaana ay lasoo shireen maanta shirkaan uu kusaab sanyahay sidii Xildhibaanadaan qaranka ay ula hadli lahaayeen Bulsha weynta ku dhaqan Gobolka Bakool Gaar ahaan Magaalada Xudur ayna bulshada sifiican usoo dhoweeyaan kana dhegeystaan waxa xildhibaanadan u yimaadeen Xuddur.

Halkan Ka Dhageyso Xildhibaan Maxamed Cumar Balash 

Waxaa kale oo shirka kahadley Malaaq Ali Adan wiir oo ah Gudoomiyaha Malaaqyada Gobolka Bakool soo dhoweyn kadib malaaqa waxaa uu aad u dhaliiley Dowlada federaalka Soomaaliya qaasatan Xildhibaanada Kasoo jeeda Gobolka Bakool wuxuu sheegey in Gobolkaan uu soo marey marxalad aad u cakiran oo ay kamid eheyd ka bixitaankii Magaalada Xuddur oo dhamaan shacabka ay raaceen Ciidamada Dowlada .wuxuu sheegey iney Dowlada Federaalka halmaalin ayan ka hadlin iney u gargaaraan iska Dhaafe.

Waxaa kale oo malaaqa sheegey in dowlada bixiso raashiin ciidanka iyo dereeskiisa kiliya xitaa misheeraadkii ay bixin jirtey 6 bilood aysan dhiibin waxa uu xusey in dowlada ay ka hagarsatey dadkan dega Gobolk Bakool.

Waxaa kaloo shirka hadaley Xildhibaan Adan Mahamed Nur Saransoor oo amaan aan lasoo koobi Karin usoo jeediyey Bulshada Ku dhaqan Gobolka kuna amaaney Nebed geliyada wuxuu xusey in nabadgeliyo aysan keeni Karin Ciidan oo keliya tusaale ahaan waxa uu usoo qaatey Mogadisho iyo Baydhabo wax ka ciidan badan malahan ayuu yiri maalin walbana dad ayaa lagu laayaa.

Waxa kaloo sheegey iney sheley soo booqadeen Isbitaalka magaalada Xuddur waxa uuna amaan weyn ujeediyey dadweynihii ka qeyb qaatey isbitaalka Degmada Xuddur oo ay iska kaashadeen dhisitaankiisa dadka kudhaqan Degmada xuddur iyo Qurba joogta qaasatan reer UK iyo Austerelia.

Waxa kaloo uu sheegey in dowlada dhaliisha loo soo jeediyey ay leedahay xiligii wax laqaban lahaana dowlada dhaxdeeda isku mashquushey tankale wuxuu xusey in kaalin fiican ay buuxesey Dhanka ciidanka Militeriya ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Waxaa kaloo shirka kahadley Abdulahi haji oo ah Madaxa Hay,ada CRD oo Xuddur kawada Shir dib uheshiisiin shirkaas oo meel fiican marayo Abdullahi Haji waxa uu balaqaadey  RADIO FM ah oo in badan reer xuddur kutaami jireen iney helaan Cidaacad

Idale News Online,Bakool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here