Baydhabo(INO)- Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Haweenka ee a Koofur Galbeed Soomaaliya Binti Ibraahim Cali ayaa sheegtay in ay wado qorsheyaal lagu hormarinayo Caruurta darbi Jiifka ah ee ku sugan deegaanada Koofur Galbeed.
Waxa ay sheegtay in ay wado qorsheyaal Caruurta noloshooda lagu badbaadinayo oo waxbarasho iyo daryeel Caafimaad la siinayo. Waxa ay sidoo kale sheegtay in goobo lagu Xanaaneeyo ay u sameyneyso Caruurta isla markaana ay waxbarasho lacag la’aan ah siineyso.