Dhacdo layaab leh oo Maanta ka dhacday Jaamacad ku taala Kenya

0
242

Nairobi(INO)-Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhaco naxdin badan ay ka dhacday magaaladaasi jaamacad ku taala.

Arday badan oo jaamacada ka tirsan oo lagu qiyaasay ku dhawaad 300 ayaa la sheegay iney soo gaareen dhaawacyo kala duwan kadib markii ay isjiireen dhacdada kadib.

Wararka ayaa sheegaya in ardayda ay maqleen dhawaqa rasaas laakiin ay aheyd koronto ka kacday jaamacada ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ardada ayaa u malaynayay Alshabaab weerar ka geystay jaamacada ku taala magaalada Nairobi, waxayna noqotay dhacdada maanta loogu hadal heynta badan tahay.

Ardada ayaa inta badan waxyeelada waxay kasoo gaartay kadib markii ay isku dardareen albaabka jaamacada magaalada Nairobi, waxaana dhaawacyadooda lagu sheegay iney yihiin kuwo fudud.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya arday ku dhaawacantay kadib markii ay iska soo tuureen dabaqyada jaamacad ay dhigtaan oo ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Jaamacada ayaa waxaa ka kacay koronto dhawaqeeda ardayda ay u qaareen rasaas ay kusoo weerareen ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka Kikuyu Compus Peter Mibithi oo saxaafada la hadlay ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 99 arday oo iska soo tuuray dabaqyada jaamacada la dhigay isbitaalka guud ee dalka Kenya.

Mid kamid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladiisa laga deyrinayaa kadib markii qoorta uu ka dhul bilaabay isaga oo iska soo tuuray dabaqa lixaad ee Jaamacada.

Idale News Online, Nairobi