Dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal oo lagu wado inuu dib u dhac ku yimaado

0
199

Muqdisho(INO)— Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 15-ka bisha December oo ah maalinta loo qorsheeyay in la dhaariyo Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in laga yaabo inuu dib u dhac ku yimaado.

Warar ay heleyso IdaleNews.com ayaa sheegaya inay yar tahay heerka qaban qaabada ee xaflada dhaarinta Xildhibaanada labada aqal iyo kooramka uu ku fariisan lahaa oo aan wali soo dhameystirmin.

Ilo ku dhow dhow Maamulka Golaha shacabka ayaa sheegaya in illaa iyo hada boqol Xildhibaan la siiyay shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga, iyadoo ay wali Muqdisho soo a gaarin Xildhibaano qaar oo laga soo doortay xarumaha maamul goboleedyada.

Sidoo jale waxaa la sheegayaa in dib u dhaca dhaarinta ay sabab u tahay in Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran shirkii ay yeelan lahaayeen uu dib u dhac ku yimid, isla markaana aan wali xal laga gaarin arrinta ku saabsan is qab qabsiga xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo in dhaarinta ay dib u dhacdo illaa maalinta sabtida, waxaana la sheegayaa in aanu Guddiga howsha wada wax isugu aadaneyd.

Hadii ay dib u dhacdo dhaarinta waxay dib u dhac hor leh ku sii keeneysa waqtigii loo asteeyay inay ku dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo aheyd inay ku dhacdo 22 iyo 28-ka bishan.

Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo saaray waqtiga ay dhacayaan dhaarinta Xildhibaanada, doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, waxaana muuqata inuu wali jiro dib u dhacyo hor leh, iyadoo saddex jeer uu dib u dhac ku yimid doorashadii Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka.