Muqdisho(INO)-Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay cadeysay shaqada ay qaban doonaan Ergada lagu xareeyay Hoolka Kafaalo ee Magaalada Cadaado, xilli shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu furay wajiga labaad ee shirka maamul U Sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo ka hadlaayay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in shaqada Ergada ay tahay ansixinta Axdiga KMG ee dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe iyo soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi uu yeelanaayo.
Wasiir Odawaa, wuxuu sheegay in Ergada aysan shaqo ku laheyn doorashada lagu dooranaayo Madaxweynaha maamulka Gobolada Dhexe, shaqadaasina ay u taallo sida uu yiri Xildhibaanada marka la soo xulo.
“Shaqada Ergooyinka halkaan u taallo waa ansixinta Qabyo qoraalka Axadiga KMG ee Maamul U Sameynta Mudug iyo Galgaduud, Odayaasha Dhaqanka Beelaha Galgaduud, waxay kaloo soo xuli doonaan Xildhibaanada, Mudane Ra’iisul Wasaare waxaan rabaa inaan hortaada ku cadeeypo ergadana waa ay I maqlaysaa Doorashada Madaxweynaha Mudug iyo Galgaduud, waxaa iska leh Xildhibaanada Ergada shaqo kuma lahan.” Ayuu yiri Wasiir Odawaa oo shalay ka hadlaayay Magaalada Cadaado.
Waxaan si dhab ah loo ogeyn tirada ay noqon doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Gobolada dhexe, inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Xildhibaanada ay tiro ahaan noqon doonaan 63 Xildhibaan, inkastoo aan la xaqiijin wararkaasi.
Beelaha qaar ee dega Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa saluugsan qaabka ay wax u socdaan oo waxa ay dhaliilsan yihiin sida loo qaybsaday ergada.
Dowladda Soomaaliya ayaa saameyn ku leh shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho