DFS oo sheegtay in lasoo gaba-gabeeyay Weerarkii lagu qaaday Hotel Ambassador

0
319

Muqdisho(INO)- Ciidamada NISA ayaa goor dhow oo saaka ah soo afjaray howl galkii ka socday Hotelka Ambassador, halkaasoo shalay galab Al-Shabaab ay weerareen, iyadoo howl galka ka socday hotelka uu qaatay in ka badan 10-saac.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in la soo afjaray howl galka, isla markaana ay si guud ah ciidamada ula wareegeen ammaanka hotelka.

Ciidamada ayaa toogtay dhamaan dableydii hubeysneyd ee hotelka weeraray, kuwaasoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan tiradooda, hase ahaatee ciidamada howl galka waday ay sheegayaan inay ahaayeen saddex ruux.

Saraakiisha Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in qofkii ugu dambeeyay oo ka mid ahaa dableydii gudaha Hotelka ka dagaalamayay saaka la dilay, xaaladana ay tahay mid haatan degan.

Rasaasta ka dhaceysay gudaha Hotelka ayaa la maqlayay illaa saaka waabarigii, waxaana la sheegay in hal ruux oo ka mid ahaa dableyda hotelka weerartay uu saarnaa dabaqa ugu dambeeya ee Hotelka.

Wariyeyaasha ayaa loo ogolaaday inay Hotelka afaafkiisa hore tagaan, oo ay sawirtaan, waxaana gebi ahaanba goobta ay tahay mid bur bursan, waxaana ay u egtahay goob muddo sanado ah lagu dagaalamayay oo kale.

Dadweynaha ayaa looga digay in aysan u dhowaan Gaari yaal banaanka hotelka oo laga cabsi qabo inay qaraxyo saaran yihiin, waxaana sidoo kale wadada laamiga daadsan illaa tobaneeyo gaari oo bur burtay.

Sagaal ruux oo isugu jira caruur iyo haween qaarkood dhaawacyo qaba ayaa laga soo saaray Hotelka, sidoo kale meydadka lix qof ayaa agagaaraha Hotelka iyo gudihiisa lagu arkay.

Ciidamada ayaa xalay soo bad baadiyay dad badan oo ay ku jiraan Xildhibaan iyo Mas’uuliyiin, sidoo kale xaalada Hotelka ayaa aheyd mid adkeyd, waxaana howl galka dheereeyay korontada oo go’neyd, gudaha hotelkana uu ahaa mugdi.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka iyo saraakiil kale ayaa goobta gaaray, waxaana lagu wadaa in Warbaahinta ay kula hadlaan.

Illaa 20-ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen weerarka, oo ay ku jiraan labo xildhibaan, sidoo kale dhaawacyada dad kor u dhaafaya 50-ruux ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina.

Dadka ku dhintay weerarka hotelka ayaa waxaa ku jira C/xamiid Sheekh C/qaadir oo la dhashay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir.

Hotelka Ambassador oo ka kooban shan dabaq ayaa qeybaha dhinaca laamiga xiga ayaa waxaa ka muuqda bur bur xoogan.

Weerarka Hotel Ambassador ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay Isbitaalka Daar-Shifa oo ku dhegan, kaasoo bur bur soo gaaray, isla markaana dhaawacyadii isbitaalka ku jiray laga daad-gureeyay.

Waa weerarkii labaad ee sanadkan ugu dhimashada badnaa oo hal goob ah ka dhaca, kadib weerarkii Xeebta Liido ee dhacay 21-kii Janaayo ee sanadkan, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 30-ruux.

Idale News Online, Muqdisho