Muqdisho (INO) — Qaasim Axmed Rooble, oo ah Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa u sheegay Warbaahinta Keydmedia Online inay Hay’addaha Amniga DFS ay soo saareen Amaro ku aadan Dadka xirtay Wadooyinka Muqdisho.
Wuxuu sheegay in Tallaabo adag ay ka qaadi doonaan Dadka u xiran Wadooyinka haddii ay Mudo Todobaad ah ku furim waayaan, isagoo carabka ku dhuftay in Ciidamada Booliska ay bur burin doonaan Dhagaxyada lagu jaray Wadooyinka dhexmara Xaafadaha Caasimadda.
“Hay’ad kastaa & Siyaasi kasta wuxuu xirtay Wadada Shacabka uu ka dhaxeeyo ee hormarta Guriga uu degan yahay, waxay taasi dhibaato ku keentay Dadweynaha marka ay Ciidanka xiraan Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho,” ayuu yiri Qaasim Axmed Rooble.
Qaasim Axmed Rooble, ayaa intaasi ku daray in Muqdisho Amaankeeda aan lagu sugi karin Wadooyinka oo Dadka laga xirto ama Dhagxaan waaweyn lagu gooyo Guryaha Hortooda, balse ay muhiim tahay in Wadashaqeyn lala yeesha Shacabka & Hay’adaha Amniga.
Waxaa Xaqiiqo ah in Maalmaha ay Wafdiyo Caalami ah imaanayaan Muqdisho la xiro Wadooyinka Muhiimka ah, taasi oo horseeda inay Dadka ka baaqdaan Ganacsigooda & Waxbarashadooda Mudo Dhowr Maalmood ah.
Idale News Online – Muqdisho