DFS iyo Saraakiisha Xalane Oo Isla Wada Qorsho Cusub

0
553

Muqdisho(INO)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno xubno ka tirsan laamaha amaanka dowlada Somalia, ayaa sheegaya in dowlada Somalia iyo Saraakiisha ugu sareysa ee xarunta Xalane ay wadaan qorsho cusub oo looga badbaadayo weeraro kale oo ka dhaca wadada gasha Garoonka ilaa Xarunta xalane ee magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka doodaaya in xal loo helo weerarada halista galshay Saraakiisha reer galbeedka iyo kuwa AMISOM ee inta badan ka dhaca wadada gasha Garoonka, waxaana la sheegayaa in Saraakiisha ay dowladu ka dalbatay inay ogolaadan in la jaro gabi ahaan wadada marta Garoonka.

Saraakiisha Xalane waxa ay dowlada usoo jeediyeen in wadadaasi looga maarmi karo in isticmaalka Garoonka loo madaxbaneeyo keliya maamulka iyo Musaafiriinta, wixii intaa kasoo harana laga mamnuuco eeriyada Garoonka.

Saraakiisha waxa ay sidoo kale dowlada usoo jeediyeen in wadada Garoonka laga soo xiro dhanka madiina si aanu mardanbe u dhicin weerar ay soo qaadan Al-shabaab.

Dowlada Somalia ayaa laga sugayaa go’aan ka qaadashada wadada la doonaayo in gabi ahaan la jaro, waxa uuna go’aankaasi caqabad ku noqon doonaa sharafka dowlada iyo madaxbanaanideeda waa haddii ay ogolaato.

Lama saadaalinkaro go’aanka ay dowladu ka qaadaneyso jaritaanka wadadaasi, balse waxaa suuragal ah inay aqbasho maadaama aysan laheyn go’aan ay ku hirgalinkarto diidmadeeda.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay