DF Soomaaliya oo sheegtay inay ka hortageyso Shabakadaha wax tahriibiya

0
394

Muqdisho(INO)— Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ka hortageyso shabakadaha dadka tahriibiya, kadib musiibadii dhowaan ka dhacday Badda Meditranean-ka, halkaasoo ay ku dhamaadeen boqolaal dhalinyaro u badan Soomaali.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo caawa fiidkii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tallaabooyin lagu bur burinayo Shabakado isku xiran oo dadka tahriibiya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sheegay in la sameyn doono Unugyo ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida, kuwaasoo u howl geli doono ka hortagida shabakadaha wax tahriibiya, isla markaana bartilmaameedsada meelaha ay adeegsadaan shabakadaha wax tahriibiya.

Waxaa uu sheegay in Wasaaradaha Warfaafinta, Waxbarashada, Amniga iyo Awqaafta ay bilaabi doonaan barnaamijyo dadka looga wacyi gelinayo dhibaatada tahriibka.

Mr Carte ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii dhalinyarada shaqooyin loogu abuuri lahaa, waxaana uu ugu baaqay in dhalinyarada aysan naftooda ku haligin badaha.

Carte q

Ugu dambeyn waxaa uu baaq u diray beesha Caalamka sidii ay gacan uga geysan lahaayeen in dhalinyarada Soomaaliyeed shaqooyin loogu abuuri lahaa, si aysan ugu dhiiran Tahriibka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here