DF Somalia oo mar kale ku celisay in dalka aysan ka dhici karin Doorasho Cod iyo Qof ah

0
177

Muqdisho(INO) — Xukuumadda Somalia ayaa mar kale ku celisay inaysan dalka ka dhici karin doorasho Cod iyo Qof ah, laakiinse ay ka dhici doonto dalka doorasho aan ahayn middii la filayay inay dhaco Sannadka soo socda ee 2016-ka.

RW Somalia, Cumar C/rahsiid oo xalay ka Qayb-galayay barnaamij dood-wadaag ah ayaa ayaa sheegay in Sannadka 2016-ka aysan dalka ka dhici karin Doorasho Qof iyo Cod ah, laakiise ay doorasho dhici doonto.

Sharma’arke ayaa sheegay in dhawaan lasoo saari doono Qorshe ku aadan sida ay dalka uga dhici karto doorasho iyo hanaanka wax loo dooran doono. Isagoo intaas ku daray in hadda uu Somalia ka jirto isbedel dhanka amniga ah.

“Somalia waxay soo martay Marxalado kala duwan, haddana waxay u muuqataa mid kasii baxayso. Dalal badan oo Caalamka ka mid ah ayaa hadda Maraya halkii aan maraynay sannadkii 1995-kii, marka laga hadlayo Soomaaliya waxay soo ceshatay sharftii ay ku lahayd Caalamka,” ayuu yiri Sharma’arke.

Sidoo kale, RW Somalia ayaa  ka hadlay Arrimo ku aaddan Federaalka iyo Maamullada dhismaya, isagoo dhinaca kale sheegay in baarlamaanka loo gudbiyay Qorshaha maamulka loogu sameynayo Gobalka Banaadir, maadaama hal gobal uu yahay.

“Waxaa hadda noo dhismay maamul-gobaleedyo dhowr ah, balse maamulka loo dhisayo Gobolka Banaadir wuxuu horyaallaa Baarlamaanka, Waxaana taas ay ku xiran tahay in Baarlamaanka ay war ka keenaan, Waxaan ka mid ahay dadka ku dhashay Muqdisho, Haddana waan aragnaa dhibaatooyinka aad ka sheegeysaan oo ah in meelaha qaar dadka lagu dhibaateeyo, Waxaan jecel nahay inaan dib u soo celinno faras magaalihii Xamar iyo bilicdii Muqdisho ay lahayd,” ayuu yiri RW Cumar C/rashiid.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia ayaa horay u sheegtay in dalka aysan ka dhici karin 2016-ka doorasho Qof iyo Cod ah, laakiinse ay jiri doonaan Qaabab kale oo Doorasho lagu qaban doono.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here