DF Somalia oo dhul baaxad weyn ugu deeqday dowladda Masar

0
173

Muqdisho (INO) – Danjiraha Dowlada Masar ee Somalia Waliid Ismaaciil ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan uu ka howlgali doono magaalada Muqdisho.

Danjire Waliid Ismaaciil oo wareysi gaara siinaayay Wargeyska Yoom Sabca ee kasoo baxa magaalada Qahira ayaa sheegay in iminka uu si KMG ah uga howlgalo xaruntooda dhexe ee ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waliid waxa uu tilmaamay in xiliga la joogo ay aad usoo hagaageyso xaalada Amni ee magaalada Muqdisho isla markaana dowladiisu ay ku rajo weyntahay in gudaha sanadkaani ay dhisto dhul baaxad weyn oo ay siisay Dowlada Somalia.

Waxa uu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso xiriirka labada dowladood sidaa darteedna uu dhawaan ka howlgali doono magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu soo gaaray muddo Lix jeer oo uu la kulmaayay Madaxda ugu sareysa dalka.

Sidoo kale, Mr Waliid waxa uu soo hadalqaaday 17 Macalimiin masaari ah inay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kuwaa oo u faa’iideynaaya Ardayda wax ka Barta iskuulada ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Dhinaca kale, waxa uu carabaabay in Dowlada Masar ay ka go’antahay inay u faa’iideyso Dowlada Somalia iyo Shacabkeeda.