Nairobi(INO)-Kenya waxay ku dhawaaqday inay derbi weyn ay ka dhiseyso xuduudka ay la leedahay Soomaaliya si amaankeeda ay u ilaaliso ugana hortagto weeraro xuduudka uga soo gudba oo dhinaca Soomaaliya uga yimaada. Arrintan oo waqti yar ka hor ahayd mid hadal ku eg ayaa hadda noqotay xaqiiqo iyadoo ay bilaabatay howsha dhismaha Derbigaasi.
Xaaladda nabadgelyo ee sii xumaatay iyo weeraro dad badan lagu dilay oo ay sheegatay Alshabaab ayaa ka dhacay dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto, waxaana warar is khilaafsan ka soo baxeen madaxda dalka Kenya oo ciidamadooda Soomaaliya jooga aanay waxba ka qaban ammaankooda oo ahayd sababtii ay Soomaaliya u soo faragelisay Kenya.
Kuma cusba dunida in derbiyo laga dhiso xuduud ka dhaxeysa laba dal, waxaana jira sababo kala duwan oo derbiyadaas oo mashaariic waaweyn ah loo sameeyo. Derbiga ay Israa’iil ka dhistay Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin ay ku boobtay ayaa aha midka xilligan ugu caansan derbiyada noocan oo kale ah, waxaase la soo qaadan karaa derbiga Mareykanka ka dhisay xuduudka uu la wadaago Mexico si looga hortago tahriibka dadka. Sacuudiga ayaa sidoo kale qorsheystay inuu derbi ku wareejiyo xuduudka uu la leeyahay dalka Ciraaq.
Derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudka ay la leedahay Soomalaiya wuxuu uga duwan yahay dhammaan derbiyada aan soo sheegnay waxaa dhismahan uu soo baxay iyadoo Kenya iyo Soomaaliya ay dacwad ku saabsan xuduudka Badda dhex taallo, isla markaana ciidamada Kenya ay joogaan Koonfurta Soomaaliya.
Su’aasha is weydiinta leh waxay tahay sida Kenya loogu aamini karo inay keligeed iska dhisato Derbigan iyadoo horeba ay u sheegatay qeyb ka mida xuduuda badda Soomaaliya, iyadoo aanay jirin cid hubineysa inaysan ku xadgudbeynin dhulka Soomaaliya, tiiyoo aanay jirin dowlad awood leh oo la xisaabtami karta dalalka deriska ah ee u ooman inay dalka beylahda ah kala dhantaalaan.
Dowladda Kenya waxay marar badan meesha ka saartay dalabka xisbiga mucaaradka ee ah inay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya, waxay kaloo ku guuldarreystay inay ciidamadeeda ka midka ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay wax la taaban karo ka qaadaan aagga ay joogaan ee Jubbooyinka. Weerarada Alshabaab iyo kooxaha la xiriira ku qaadan Kenya waxay u badan yihiin kooxo ku sugan gudaha Kenya, waxaana iska cad in Derbiga la dhisayo aanu wax weyn ku soo kordhin doonin nabadgelyada gudaha Kenya, dhaqaale fara badanna uga bixi doono, waxaase annaga noo darran inuusan dhulkeena markii horeba la qeybsaday ku xadgudbin taasoo dowladda Soomaaliya tabar kasta ha lahaatee looga fadhiyo inay hubiso arrintan xasaasiga ah.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya wuxuu caddeeyay inaysan dowladda Kenya soo ogeysiin waxna kala socon arrinta dhismaha derbiga ay Kenya dhiseyso xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuse sii carabaabay inay ka hadli doonaan marka dowladda Kenya ay kusoo wargeliso.