Mandeera(INO)- Derbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa weli si habsami leh uga socda xadka labada dal.
Wax ka yar 20-km ayaa illaa hadda laga dhisay derbigan kaasoo la gaarsiinayo xadka labada dal oo dhererkiisu gaarayo 700-km kaasoo ka bilaabanaya Mandhera illaa degaanka Kiunga oo ku yaalla xeebta gobolka Lamu.
Wararka ayaa sheegaya in derbigan uu hadda soo gaaray xadka labada dhinac ee degmooyinka Beled xaawo iyo Mandhera.
Shacabkkii sida fudud isaga talaabi jiray labada dhinac ayaa si weyn uga walaacsan kala qeybinta derbigan uu sababay, iyagoo ku qasban hadda iney maraan koontroolada looga gudbo xadka ee ay joogaan ciidamada Kenya.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in derbigan uu ka celin doono weerarada ay gudaha dalkaas ka fuliyaan xoogaga Al-shabaab ee ka soo talaaba xadka Somalia.
Waxaa laga dhisayaa darbigan dhagax jaajuur ah, shub iyo biro aanan jab iyo duleel aqoonin, kadibna waxaa kor laga marinayaa fiilooyin danab ama koronto wata oo qofkii ama xayawaankii taabta ay maanso qabanayso.
Waxaa sidoo kale meelo isu muuqda laga dhisayaa koolbo-waardiyo , kadibna waxaa la saarayaa askar qoryaha shiishka wata oo illaalo ah, waxaana intaasi dheer kaamirooyinka CCTV oo lagu xirayo derbigan si loola socdo dhaqdhaqaaqa xuduuda.
Waxaa dhismaha derbigan fulinaya shirkad Yuhuudu leedahay oo lagu magacaabo Magal Security Systems Ltd.
Dhaqaalaha ku baxaya mashruucan oo gaaraya malaayiin dollar ayaa waxaa dowlada Kenya gacan ka siinaya dowlada Israa’iil oo saaxiib dhow la ah.
Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay iney saldhigyo ku leyihiin gudaha Kenya, waxaana dad badan ay shaki ka qabaan in derbigan uusan wax badan ka bedeli Karin amaanka Kenya.