Muqdisho(INO)- Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda federaalka Soomaaliya Enjineer Saalax Sheekh Cusmaan Muuse ayaa sheegay in Wasaarada Howlaha Guud ay qorsheyneyso Dekada ugu weyn ee Qaarada Afrika in ay ka hirgeliso gudaha Soomaaliya.
Enjineer Saalax Sheekh Cusmaan Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dekadaas ay shaqooyin ka heli karaan marka la dhiso muwaadiniin fara badan oo hada shaqo la’aan ah.
Waxa uu sheegay Enjineer Saalax in Dekadaas ay maalgelin doonaan Hay’ado caalami ah iyo Afrikan Bank oo uu sheegay in Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda federaalka Soomaaliya ay ka taageerayaan dhismaha Dekadaas.
Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay bilowdeen dhismaha wadooyinka bur bursan ee dalka.