Munaasabad ballaaran ayaa waxay ka xilliga Duhurnimadaan ka socotaa Gudaha Xarunta Dekada Magaalada Muqdisho waxaana xafladaasi ay tahay mid ay Shirkad Turki ah ay kula wareegeyso Maamulka Dekadaasi.
Hay’ada Dekada Muqdisho la wareegeysa ayaa lagu magacaabaa Al Beyris waxaana munaasabadaasi lagu wareejinayo ka qeyb galaya Safiir kuxigeenka Turkiga ee Somaliya,Wasiirka Gaadiidka iyo Dekadaha Somaliya iyo Maareeyaha Dekada Muqdisho.
Mas’uuliyiin uhadashay Shirkadaan la wareegeysa maamulka Dekada Muqdisho waxay sheegeen inay wax weyn kusoo kordhin doonaan bilicda iyo Qalab ahaan Dekada ayna la meel dhigi doonaan Dekadaha Horumaray ee Caalamka.
Waxa jirtay dhawaan banaanbax cabasho ah ay dhigeen muruq maalka Dekada Muqdisho ay uga cabanayeen in hadii Shirkadaan ka diinwaan gishan Turkiga ee la wareegtay maamulka Dekada Muqdisho ay dhigto shaqo la’aan.
Idale News Online, Muqdisho.