Degmooyinka Balcad:Saldhigyo Alshabaab oo saka ciidamada Dowlada xoog ku burburiyeen

0
200

Wararka naga soo gaaraya inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay la wareegeen degaanno dhaca Wabiga Jiinkiisa.

Dad ku sugan Toolooyinka ay tageen Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Ciidamada dowladda oo saaka ka baxay Degmada Afgooye ay gaareen sohdinta labada Gobol ee Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Degaannada ay Ciidamada saaka tageen waxaa ka mid ah Beerta Aadan Seerar,Tuulada Baqdaad iyo Koontaroolka Kala Beyr ee Sohdinta labada Gobol u dhaxeysa.

Degaannada ay la wareegeen Ciidamada dowladda ma jirin wax dagaal ah ama iska hor imaad ah oo laga soo wariyay.

Kala Beyr waxaa uu kaabiga ku hayaa Tuulada Basra ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ku suganyihiin Al-shabaab,waxaana u dhaxeeya waxka yar 10KM.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in Ciidamada AL-shabab ee weerarrada ka geystay Shabeellaha dhexe ay ku suganyihiin Tuulada Basra,loona baahanyahay in halkaas laga fuliyo howlgal ka dhan ah.

Dadka degaanka ayaa sheegay in howlgalka saaka aysan ku jirin Ciidamada AMISOM,islamarkaana Ciidamada dowladda kaliya ay tageen degaannada kor ku xusan.