Buurhakaba(INO)-Sida ay sheegayaan Dad Deegaanka Xaaladda Biyo’aan ee waayahaan ka jirtay Degmada Buurhakaba ayaa gaartay heer Dadkii ay Deegaanadooda uga barakacaan Biyo ‘l’aan si ay raadsadaan meel dhaanta.
Dadka ka barakacay Degmada ayaa u barakacay Gobolada Sh/hoose iyo Bay sida Magaalooyinka Walaweyn iyo Baydhabo.
Fuustada Biyaha ayaa laga iibinayaa Buurhakaba lacag dhan 100-kun oo shilin Soomaali ah, Lacagtaasi oo aysan Dadka awoodin inay iska bixiyaan sida uu Maamulka sheegay.
Dhawaan waxaa Degmada Buurhakaba gaaray Wasiiro ka socday Maamulka Koofur Galbeed kuwaasi oo qiimeyn ku sameeyay Xaaladda biyo la’aanta islamarkaana sheegay inay wax ka qabanayaan.
Idale News Online, Buurhakaba.