Muqdisho(INO)- Waxaa goor dhow la soo gebagebeeyey Tirinta Codadka Wareegga 1-aad ee Doorashadda, Madaxweynaha. Murashixiinta u soo gudubtay Wareegga 2-aad waxay kala yihiin:-
- Xasan Sheekh oo helay 88 dhibcood
- Maxamed C/llaahi Farmaajo oo helay 73-dhibcood.
- Sheekh Shariif Shekh Axmed oo helay 49-dhibcood iyo
- Cumar C/rashiid oo helay 37 Cod.
Waxaa kaloo codad badan helay C/qaadir Cosoble iyo Caddow Cali Gees, inkastoo aysan u soo gudbin Wareegga 2-aad sida uu Sharcigu dhigo 4 Murashax oo keliya ayaa soo baxayso.
La soco Natiijadda Wareegga Labaad oo goor cod-bixinteeda bilaabanaysio.
©Radio Idale News Online, Muqdisho