Degdeg: 2 qarax oo is xiga ayaa lagu weerarey Hotel Naasa Hablood 1 oo ku yaala KM4, ee magaalada Muqdisho

0
630

Muqdisho (INO) –  Warar hordhac oo hadda soo gaarey Idalenews.com ayaa sheegaya in 2 qarax oo isku xigay lagu weeraray Hotelka weyn ee Naasa Hablood One oo ku yaala KM 4, ee magaalada Muqdisho. Qaraxyadaan aadka u weynaa ayaa waxaa laga maqley qeybo badan oo ka mid ah caasimada ah, waxaana weli socota rasaas culus oo ay isku weydaarsanayaan ciidamada dowlada iyo kooxo hubeysan oo iyagu  weerarka soo qaadey.

Qaraxa koowaad oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu dhuftay albaabka hotelka ee dhinaca laamiga xiga. Al-Shabaab oo goor dhow war kooban soo dhigay baraha ineternetka qaarkood ayaa sheegatay iney masuul ka tahay weerarkaan.

hablo_2 hablo_4 hablo_5

Lama oga illaa iyo hadda dableyda ka tirsan Al-shabaab inay gudaha u galeen hotelka iyo in kale balse dagaal aad u culus ayaa ka socda nawaaxiga hotelka iyadoo rasaasta halkaas ka dhaceysa ay tahay mid aad u xoogan.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan lama oga weli wixii warar ah ee ku soo kordha weerarkan  kala soco shabakada wararka www.idalenews.com