Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa waxa lagu wadaa in manta lagu qabto xuska sideeda maarso maalinta haweenka aduunka oo maanta oo kale ku beegn.
Madaxwaynaha dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Hassan Sheikh Adan ayaa kaqaybgalaya xuska maalinta haweenka aduunka waxaana xalfada lagu qabanayaa Gudaha Madaxtoyada Dowada KG Soomaaliya.
Waxaa kusiii qulqulaya goobta lagu qabanayo munaasabada haween kulabisan hidiyo dhaqanka iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiir wasarada haweenka arimaha qoyska Faadumo Cumar Abuu aya sheegtay in xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Aduunka oo maanta kubeegan sanadkan looga hadli doono sidi looga hortagi laha tacadiyada Jinsiga ku salaysan Gudniinka Fircooniga ah iyo waliba sidi Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u heli lahayeen xuquudooda,
Ugu Dambeyntii, sanadkasta maanta oo kale marka ay ku beegantahay ayaa looga dabaaldagaa caalaalmka iyo gobolada soomaaliya.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo