DEG DEG:Wasiirka Amniga Jubbaland: “Waxaan Hawl-gal Qorsheysan ku dilnay Shiikh Max’ed Dul-yadeyn”

0
422

Kismaayo(INO) —Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Cabdi Nuur ayaa shaaciyay in howlgallo ay Ciidamadooda oo kaashanaya kuwa Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanka Buulogaduud ay ku dileen, Sheekh Maxamed Maxamuud Dul-yadeyn oo ka tirsanaa Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay goob ay kusoo bandhigeen 4 qof oo meyd ah oo mid kamid ah uu sheegay in uu yahay Sheekh Max’ed Max’uud Dulyadayn oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay howlgalka ku dileen nin lagu magacaabo Farxaan iyo Macallim Isxaaq oo uu sheegay in Al-shabaab ay u qaabilsanaan jireen qaraxyada.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan arintani.
Deegaanka Buulogaduud ayaa qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, waxuuna kamid ahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

FILO: Goor-dhaw Muuqaalka Wasiirka Amniga Jubaland oo arintaasi ka hadlaya.

Idale News Online, Kismaayo