DEG DEG+ Dhageyso:Shirka Madasha wada tashiga Qaran ee Kismaayo oo soo gaba gaboobay

0
264

Kismaayo(INO)— Shirkii Madasha wada tashiga qaran ee Kismaayo ee looga hadlayay hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016, iyadoo Madaxda Soomaalida ee shirka ka qeyb galayay ay isku afgarteen qodobadii la isku hayay.

Wararka horu dhaca ah ee aan heleyno ayaa sheegaya in la isku afgartay in Baarlamaanka lagu soo xulo nidaamka 4.5, halka Aqalka sare lagu soo xulo hab deegaan oo ah degmadooyinkii wixii ka dambeeyay 1991.

Sidoo kale waxaa gebi ahaanba meesha laga saaray in aanu jiri doonin muddo kororso, maadaama labadii maalmood ee la soo dhaafay markii qodobadaas la isku mari la’aa ay soo baxayeen in la sameeyo muddo kororsi.

Waxaa goor dhow lagu wadaa in la soo saaro war murtiyeed ay wada saxiixeen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Hakan Ka Dhageyso 

La soco wixii ku soo kordha.

Idale News Onlin,e Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here