DEG DEG:Shirka Maamul U samaynta Gobolada Dhexe oo si rasmi ah u furmay

0
199

Cadaado (INO) — Waxaa Goor-dhow si rasmi ah uga furmay Magaalada Cadaado Shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe oo Mudo Dheer lawada sugayay.

breakingIdaleNews

Shirka ayaa waxaa ku sugan dhamaan Ergo ka kala timid Gobolada Galgaduud & Mudug, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu joogay Maalmihii lasoo dhaafay, oo uu Wadahadallo la lahaa Madaxda Maamulka Ximan & Xeeb oo diidan in Dhuusamareeb laga dhigao Caasimadda Maamulka Gobolada Dhexe.

Musharaxiinta Maamulkaasi & iyaasiyiin ayaa ku sugan Xarunta Shirka oo ah Madaxtooyadda Ximan & Xeeb, waxaana Amaanka sugaya Ciidanka DFS, Ximan & Xeeb, Galmudug & AMISOM.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Hogaamiyaasha Maamulada Ximan & Xeeb, Galmudug iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa’uud ayaa Khudbado hadda ka jeedinaya Shirka oo Daqiiqado kahor furmay.

UPDATE 1 – Waxaa hadda Hadalay Ugaas Hire Mohamed Hersi iyo Ugaas Abdirahman Ugaas Haji Hussein, waxaana ay ugu baaqeen Ergada Shirka inay soo dhisaan Maamul loo dhan yahay oo Shacabka Gobolada Dhexe ugu adeega si Cadaalad & Sinaan ah.

UPDATE 2 – Xaliimo Ismaaciil, oo ah Madaxa Gudiga Maamul u samaynta Gobolada Dhexe ayaa hadda Khudbad jeedinaysa.

Xaliimo Ismaaciil waxay ka warbixinaysaa Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maraya Qabsoomada Shirka Gobolada Dhexe.

UPDATE 3 – Waxaa hadda Khudbadda la wareegay C/raxmaan Odawaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka Soomaaliya oo Shirka Muhimadiisa ka warbixinaya.

Idale News Online – Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here