Baydhabo(INO)-Wararka ka imaanayo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa sheegaan in kooxo hubeysn isla makaana aan la garaneynin ay toogteen wadaad caan ahaa isla markaana ka tirsanaa ducaada magaaladaasi.
Allah u Naxariistee Wadaad Caan ah ayaa xalay lagu dilay Magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay waxaana Wadaadka dilay Ragg hubeysan oo markiiba isaga baxsadeen goobti ay dilka ka geysteen.
Sheekh la dilay oo lagu magacaabi jiray Sheekh Aadan Wariish ayaa ka tirsanaa wadaada Caanka ah ee Magaalada Baydhaba Janaay.
Ilaa iyo xiligan lama garanayo Kooxihii ka danbeeyay dilka Wadaadka oo Sanadkan ka dhigaya Wadaadkii Afaraad ee lagu dilay Magaalada Baydhaba.
Si Kastaba ha ahaatee bilihii ugu dambeeyey waxaa magaalada baydhabo lagu toogtey 2 sheekh, kuwaasoo weli cidii dhishey aan la horkeenin cadaalada iyadoona baqdin weyn ay soo food saaratey Wadaada magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, qaarna ay u soo haajireena magaalada Hargeysa Ee Xarunta Somaliland.
Ugu dambeyntii Hay’ada Culumada soomaaliyeed ayaa ku tilmaantey dilka wadaadada mid ka baxsan shareecada isla markaana kuwa dajinya ama filiya arimtaasiya ay ku sifeeyen khawaajir casri ah.
Idale News Online, Baydhabo.