Kismaayo (Sh M Network)—Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe uu Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku celiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo doonayay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari in markale wadahadal laga furo aqalka martida Magaalada Kismaayo si meesha looga saaro waxyaabaha la isku fahmi la’yahay maadaama Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran uu ku soo idlaaday natiijo la’aan.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ka jira ayaa hadda waxuu kulan uga socdaa Magaalada Kismaayo waxaana kalankooda dibad jooga ka ah Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka qeyb galay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay Magaaladaasi.
Kala soco waxii ku soo kordha Warkan Idale News Online Hadii Alla Idmo
Idale News Online, Kismaayo