Labo Qarax oo Culus ayaa Goor-dhow waxa ay ka dhaceen Magaalada Nairobi, ee Caasimada dalka Kenya Maalmo kadib Digniino Argagaxiso oo Reer-Galbeedka soo saareen.
Qaraxyada ayaa waxa ay ka dhaceen Suuq Mashquul badan oo ku yaalla Nairobi waxaana ku dhintay ugu yaraan 4 Qof halka Tobonaan kale la sheegay in uu Dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray.
Weerarkan ayaa dhacay Maalmo kadib markii ay dowlada UK ay soo saartay Digniino Argagaxiso oo ka dhaca Kenya, iyadoo Muwaadiniinteedana kala baxday dalkaasi. 300 oo Muwaadiniin u dhashay UK ayaa Maanta isaga baxay Kenya kuwaasi oo ka yimid Magaalada Mombasa.
Ma cadda waxa sababay Qaraxyada, balse Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Goor-dhow ay Saxaafadda uga warbixin doonaan sida ay wax u dhaceen Maanta.
Shirkadaha Dalxiiska UK ayaa joojiyay Duulimaadyada ay ku tagayeen Magaalada Mombasa kadib Digniinta lasoo saaray.
Qaraxa hore ayaa lala eegtay Gaari Rakaab ah, halka midka kalena uu dhacay SuuqaGikombna ay markaasi ku sugnaayeen Dad badan oo wax iibsanayay, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska oo hadda Howlgallo wada.
Mareykanka & UK Safaaradahooda ayaa Todobaadkan soo saaray Digniino ah in Kenya ay ka dhacayaan Qarax, waxaana ay ugu baaqeen Muwaadiniintooda in ay dalkaasi isaga baxaan.
Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in 100 Qof dad ka badan ay ku dhinteen Qaraxyo iyo Weeraro kale oo ka dhacay Kenya 18-kii Bilood ee lasoo dhaafay.
Fah Faahinta kala soco Idale News Online.
Idale News Online, Nairobi.