Deg deg:Muudey oo soo saaray amar ah in aan Ciidan iyo hub lala soo geli karin Xarunta Baarlamaanka

0
201

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey ayaa soo saaray qoraal ku saabsan xaqiijinta amniga Xarunta Golaha Shacabka, xilli maalinta berri lagu wado in Baarlamaanka uu kulmo.

Warqad uu soo saaray C/weli Muudey oo aan helnay ayaa loo kala diray Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida, Taliyaha Ilaalada Xarunta Baarlamaanka ee AMISOM, waxaa ogeysiis lagu siiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wax ciidan iyo hub aan lala soo geli karin agagaarka xarunta baarlamaanka, gaar ahaan ilaalada Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadaba, sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay ka mas’uul yihiin ammaanka xarunta iyo agabka yaalla.

Qoraalkan ayaa loo arkaa mid ku socda Guddoomiye Jawaari oo Ilaalada Dhar cadka iyo Ciidamada AMISOM ay la galaan xarunta Baarlamaanka, waxaana la ogeyn xaalada ka dhalan karta arrintan.

Arrintan ayaa u muuqata wal wal iyo dhiilo cusub oo xaalada uga sii dari karta, isla markaana kulanka berri uu hareeyo qalalaase, isku dhac iyo fowdo, maadaama labada dhinac ee Guddoonka ay labo ajande oo iska soo horjeeda kala wataan.